Siyaasiintii maanta ka hadashay Caleema-Saarka Axmed Madoobe, Maxay midow ku ahaayeen? —

Featured

KISMAAYO(P-TIMES) – Madaxdii ugu badneyd ayaa madasha KIsmaayo iskugu tagtay, waxayna ahayd madal si dhameystiran ay dhinacyo badan u riteen hadaladooda siyaasadeed, kuwaas oo ay ku cabirayeen dareenkooda ku wajahan hoggaaminta madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya. Si siman cid kasta oo hadashay waxay eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo geedi socodka siyaasadiisa, oo ay sheegeen…

Siyaasiintii maanta ka hadashay Caleema-Saarka Axmed Madoobe, Maxay midow ku ahaayeen? —

Puntland oo dalacsiisay sarkaal ay xaaskiisa qaadsiisay HIV/AIDS — Caasimada Online

Garoowe (Caasimadda Online) – Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan. Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. “Waxaan maqli jirey berigii…

Puntland oo dalacsiisay sarkaal ay xaaskiisa qaadsiisay HIV/AIDS — Caasimada Online

Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya — Dhacdo.com

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa wuxuu maanta uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Donald Yamamoto. Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Safiirka Mareykanka ee Somaliya ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inay qabsoomaan 2020/2021. Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu Safiirka Mareykanka…

Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya — Dhacdo.com

Saafi Ciise: Haweeneydii Al-shabaab u kala gudbin jirtay hubka iyo Miinooyinka.

Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsaneyd Al-shabaab ayaa maanta lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay Alshabaab u qaabilsaneyd kala gudbinta hubka iyo qaraxyada. Haweeneydaan oo lagu magacaabo Saafi Ciise Arwaax ayaa saraakiisha denbi baarista u sheegtay sidii ay ugu biirtay Al-shabab iyo waxa ku kalifay, waxayna inay ku qalqaalisay…

Saafi Ciise: Haweeneydii Al-shabaab u kala gudbin jirtay hubka iyo Miinooyinka — Jamhuuriyadda Online: Leading Somali News Source

Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidamada dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan.

Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye.

Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan.

Wasiirka ayaa sida la sheegay goor dhaw goob fagaare ah kula hadli doona dadka ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.Xaladda matabaan aya hada dagan.